Maqaal: Xaalada Gobolka Sitti ee ismaamulka Soomalida Itoobiya oo ka sii dareysa

1 million oo qof kabadan oon hal jaamacad lahayn, 1 million oo qof kabadan oo hal dikad laami ah oo la mari karo aan laheyn, 1 million oo qof kabdan oo hospital la sheego oo agabkiisu iyo shaqaalihiisu dhanyihiin adeeg buuxana biyo aan lahayn, 1 million kabadan oo horrow mar la taaban karo uusan ka hana qaadin muddo 10 sano ah, 1 million oo qof kabadan oo adoonsi ku jiro qofkooga la xidhaayo markii barja la waayo siyey madax furasho ubixiyaaan oo loogu barjeeyo , 1 million kabadan oo qof oo dakhliga kasoo baxo ay qaybsamayaan 1000 qof oo shaqaale ah waxay iyaguna ka gaajoonayaan.

Ma ogtahay ninka madax xafiiseedka ahi bishaarka uu qaato iyo barjihiisa oo kaliya inuu badanyahay barjihiisa , cunno iyo wixii kale uu dad siinaayo iyo wuxuu kiro ku galaayo iyo wuxuu reerkiisa iyo tolkiisa siinaayo oodhan iyaga iskaba daaa .
Umad 1 million kabadan oo ka maamulka loogusoo magacaabayo uu haysto shaahado false ah amo shahaado uu ku dhigtey distance , amo shahaado diplome ah .
Umad koogii wax usoo barteyna meel kasta uu kaga hooseeyo maamul ahaan kii qayrkii ahaaa ee wax ay isla soo barteeen .

Ummad dhaqan looga dhigey weedha ah iga ilmi sarree lkn waaan kaa maqaam sareeyaa amo waan ku xakumi oo anigaa hogaankaaga ah la leeyahay .

Ummad dhallinteediisi ay shaqa dowladeed ka quusteen kolkey garteen iney meel mansab ah oo fiican ay ka gaadheyn , oo ay diredawa shirkadaha gaarka loo leeyahay ku maamweeliyaaan nafta ay hungurigooga iyo ka family googa ku dabaraan .

Ummad 1 million kabadan oo ka hogaamiyaha nabad galyada u hayyi uu yahay ina illey ina adeerkii oo6 bilood oo tababarka liyu police kasoo baxay uu yahay .

Ummad 1 million kabadan oo ka kaasheerka maaliyadda ah iyo ka xafiiska maalliyada haystiba ay yihiin kuwwo lasoo barey sida xoolaha shicibka loo cunno iyo shahaado false ah oo uu kasoo gattey college ku yaalo deegaankiisa .

Ummad 1 million kabadan oo ka gudoomiye u ahi uu haysto shahaado diplome agreculture ah amo shahaado false ah oo ay uraacsantahay shahaado iyo khibrad dheer oo ah sida shicibka loo adoonsado iyo sida xoolaha shicibka loo cunno .

Ma ogtahay dadkii waxaas oodhan xaq ulahaana iney waxba ku lahayn meesha .

HADAFKEENU WAA DIB UGURASHADA DIIDNEY .