Dowladda Faderalka oo qorsheyneyda in Galmudug la hoos geeyo Dowladda Federaalka…

Dowladda Faderalka ee Soomaaliya oo Qorshaynaysa in Gobolka Mudug si toos ah loo hoos geeyo Dowladda Faderalka masuuliyada gobolkana lagala wareego Puntland iyo Galmudug.

War hor dhaca oo si hoose nooga soo gaaraya Villa Soomaaliya ayaa sheegaya in Gobolka Mudug oo ah Shan dagmo xiligii Soomaaliya kuwaas oo kala ah Dagmooyinka Jariiban,Galdogob,Hobyo,Xaradheere iyo dagmada Galkacyo oo lawada dagan yahay,Waxaana qorshan oo uu hormuud u yahay Agaasimaha Madaxtooyadda iyo xubno kamid ah Kooxda Nabad iyo Nolal ayaa looga gol leeyahay in hab sir ah la iskaga horkeeno Madaxwaynaha Puntland Cabdiwali cali Gaas iyo Shacabka Puntland.

Sirta meesha ku duugaan ayaa ah hadii Gobolka Mudug dowladda Faderalka ay la wareegto in sharci ahaan uu meesha ka baxayo Madaxwaynaha Puntland kaas oo deegaan ahaan kasoo jeeda Gobolka Mudug.

Waxaa kale oo Qorshuhu yahay in Maamulka Galmudug siyaasiyiintooda ugu firfircoon laga iibiyo Qorshan cusub ee ay wadato kooxda Fahad Yaasiin hadhowdiina la horgeeyo Xukuumadda iyadoo aan waxtalo ah laga waydiin Dowladda Puntland.

Waxaa la sugayaa go’aamada iyo Tilaabada arinta ku aadan ee ay dowladda Puntland qaado..