Dhaq Dhaqaaqyo Ka Socda Duleedka M/ Dhoobley

Ciidamada Jubbalanad iyo kuwa Kenya ayaa lagu soo warramayaa in Saakay dhaq dhaqaaqyo Ciidan ay ka wadaan nawaaxiga magaalada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose.

Dhaq dhaqaaqyada ah oo kuwa xoogaan ayaa waxaa laga dareemaya deegaano duleedka ka ah magaaladaasi.

Sidoo kale Waxaa saacadihii la soo la soo dhaafay Jubbada Hoose lagu arkay diyaarado Jawi hoose ku socda oo dul heehaabaya deegaano ka tirsan gobolkaasi, kuwaas oo la sheegay in ay leeyihiin Ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ee Soomaaliya.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha Ciidamada maamulka Jubbaland oo ku aadan dhaq dhaqaaqyadaasi.

Dhawaan Jubbaland ayaa shaacisay in howgallo ka dhan ah Al Shabaab ay ka bilaaban doonaan gobollada Jubbooyinka oo ay weli ku xoogan yihiin Al Shabaab.