Ciidamada Kenya oo Raadinaya rag la sheegay inay Shabaabka u qoraan Dhalinyarada dalkaasi

Booliiska Kenya ayaa raadinaya sadex ruux oo la tuhunsan yahay inay Al-Shabaab u qoreen dhalinyaro 13 ah oo ciidamadda Kenya ay dhawaan Al-Shabaab ka soo furteen, dhalinyaradaas waxaa laga soo qoray Ismaamul goboledyadda kalifi iyo Lamu.


Ciidamadda militariga Kenya ayaa soo bad baadiyay dhalinyaradaas xilli ay ku sugnaayen deegaanka Raskamboni ee Jubadda Hoose Axaddii la soo dhaafay, waalidiintood ayaa Ciidamada Booliiska u soo sheegay in waliishadoodu ay xaalad halis ah ku sugan yihiin.
Mutawa Muchangi Taliyaha Booliiska Malindi ayaa sheegay in labo ka mid ah ragga la baadi goobayo ay dagan yihiin ismaamul goboleedyada kala ah Lamu iyo Kilifi halka kan saxaadna wali meeelna lagu ogayn.
Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay mid ka mid ah ragaan la sheegay inay Al-Shabaab dhalinyadda u qoraan,wuxuuna dhalinyaradda u sheegaa inay kaluumeeysi ka shaqaynayaan waxuuna siiyaa lacag dhan 5000 oo shilinka Kenya ah.
Markaas kadib waxaa lagu qasbaa in ay Al-shabaab ka barbar Dagaalamaan, Al-Shabaab waxay Maleeshiyaad ku leyihiin gudaha Kenya, kuwaas oo qaada weerarro lala beegsado Ciidamadda ammaanka iyo shacabka mara wadooyinka Gobolka Woqooyi bar.
Dhanka kale xarumo Ganacsi iyo kuwo wax barasho ayaa sidoo kale ka mid ah meelaha ay Al-Shabaab weeraraan gudaha Kenya.