Beesha Silcis Gorgate oo Muqdisho ku yeelatay kulan looga hadlay arrimo kala duwan

Beesha Silcis Gorgate Hawiye ayaa magaalada Muqdisho ku yeelatay kulan lagu lafa guray xaaladda dalka gaar ahaan arrimaha beesha dhexdeeda, iyadoo talooyin iyo fikrado dhowr ah laga soo saaray.

Kulankaan oo uu soo qabanqaabiyay ururka dhallinyarada beesha Silcis ayaa waxaa ka soo qeyb galay waxgarad, odayaal dhaqameed, xubno matalayay gobolada Banaadir, Sh/Dhexe iyo Sh/hoose ayaa xubnihii ka hadlay shirka waxay si buuxda isugu raaceen in la dardar degliyo kulamada noocaan ah.

Maxamuud Sh. Max’ed oo ka mid ah aqoonyahanada beesha Silcis ayaa ku ammaanay Guddoomiyaha KMG ahna isku xiraha ururka dhallinyarada beesha Silcis C/qaadir Sheekh Ibraahim oo isku xilqaamay sidii uu isugu keeni lahaa dhallinyarada beesha isla markaana waxa uu ballanqaaday in aqoonyahanada iyo xubnaha hormuudka u ah beesha Silcis ay taageero la garab istaagayaan.

Dhinaca kale Madiina Khaliif Ibraahim oo ka mid ah haweenka beesha Silcis ayaa halkaasi ka jeedisay khudbad qiiro leh, iyadoona tilmaantay in beesha Silcis doorkeedii aanu muuqan isla markaana loo baahan yahay sidii loo soo celin lahaa.
“Dhallinyarada beesha Silcis maanta ma heystaan waxbarasho, caafimaad, shaqo iwm, waana inaan adduunka u muujinaa inaan nahay jira” ayay tiri Madiina oo u mahad celisay dhaqdhaqaaqa ururka dhallinyarada beesha Silcis oo uu horseedka ka yahay C/qaadir Sheekh Ibraahim.

Mudadii uu kulanka socday Guddoomiyaha KMG ahna isku xiraha ururka dhallinyarada beesha Silcis C/qaadir Sheekh Ibraahim ayaa soo bandhigay dhallinyaro ku dhow 20-xubnood oo uu u sameeyay shaqo abuur, wuxuuna sheegay inay socdaan ururinta dhallinta shaqo la’aanta ah si loo siiyo fursado shaqo dhinaca dowladda ama goobaha gaarka loo leeyahay.

“Sanadkaan gudihiisa waxaan rajeynayaa inay hoos u dhacdo shaqo la’aanta daashatay dhallinyarada beesha Silcis” ayuu yiri Guddoomiye C/qaadir Sheekh Ibraahim oo sheegay in dadaaladaasi ay qeyb ka yihiin ololaha loogu jiro horumarinta dhallinyarada beesha Silcis.

Dhinaca kale Mudadii uu kulanka socday Guddoomiyaha KMG ahna isku xiraha ururka dhallinyarada beesha Silcis C/qaadir Sheekh Ibraahim ayaa ka hadlay dad uu sheegay inay ka horjeedaan howlaha uu ka wado beesha dhexdeeda ah ee ah isku keenida iyo mideynta dhallinyarada, wuxuuna ku booriyay kooxahaasi iinta u yeelaya ololihiisa inay yimaadaan shirarka toddobaadkiiba mar la qabto.

“Waxaan u sheegayaa dadka aniga i dhaliilaya inay yimaadaan kulamada joogtada ah si ay u ogaadaan xaqiiqda iyo beenta wararka ku tiri kuteenka ah ee ay aaminsan yihiin” ayuu yiri C/qaadir Sheekh Ibraahim oo uga mahad celiyay ka qeyb galayaasha kulankaasi.