Faallo jacbur ah: Bajaajtu waa lama huraan laakiin maalinta koowaad iyo Xidigaheenu iskuma qalmaan, !!!

Eeddan Aniga aragti dayda gaaban waxba kuma laha Madaxda Dowlada & tan Gobolka Banaadirba, waayoo waxay u soo dhaweeyeen si heer caalami ah oo maamuus wanaagsan ka muuqdo, weliba waxaan la dafiri karin in Madaxda Dalka ugu sareysa & tan Gobolka Banaadir oo udba hooda wata ay garoonka u taag naayeen saacado badan soo dhaweyn tooda oo aan marqaati ka wada nahay,, waxaa loo garaacay Baambay, waxaa lagu soo galbiyay Busas iyo Caleemo qoyan waxaana munaasab Quraac ah loogu qabtay Hotel Saxafi oo ay Madax fara badani kala qeybgashay.

Balse intaas ka dib, waxaa dusha u ridanaya qaladkan yar Gudiga qaban qaabada & Xiriirka K/Cagta Soomaaliyeed oo dabcan uu qorshuhu ka qaldamay si kastaba ha uga sibxatee iyaguna waa bini’aadam oo sidaan u fikireyno si ka duwan inay u fikireen baa laga yaabaa.

=Waayoo uma aysan waayin sidaan si dhaanta oo guryahooda lagu kala geeyo si sharaf ah Sow maaha.?,
= kuwaaoran doona Aaway 30-kii Bus ee Qadar?

=Waxaa suurtagal ah in amaankooda loo baqay. in intaas oo Ciyaar yahan oo la wada ogyahay inay maanta dalka ku soo laabteen Hal Bus la wada saaro oo Guryahooda lagu kala geeyo.
-Kuwa kalaa dhihi doona awalba igu sawir bay aheyd.

=Markaas baa xaqiiqdu oran doontaa Raysalwasaare K/Xigeenku haduu sawir u ciil qabo Bujumbura ayuuba iskula soo sawiree maxuu maanta isaga seexan waayay MOOYI

=Kuwa ku fikiri doona waxa ay ahayd in Raysal Wasaare Kheyre uu raaco oo guryahooda kala geeyo si uu u dhiirigaliyo dhalinyarada ?
-Markaas baa kooxda Amniga wax ka taqaana ay arinkaas madaxa ka ruxi doontaa, maadaama dhalinyaradaan aaney hal Degmo wada daganeyn islamarkaana aaney Siyaasad & Dowlad shaqo ku lahayn .

=Ugu dambayn Kuwa xarig lama sitaan ah baa qoraal keygan markey arkaan hoosta iga xaman doona “Dulyar Dowladuu taageeraa”.

=Markaas sow Anigu xaq uma lihi inaan dowladeyda taageero,HAA…. lkn hadana markey arkaan maalin kale Aniga oo dowlada docdoceynaya MAXAA YAAB IS DABA YAAL…..sow maaha.

Isku soo duuboo Hala iga raali ahaado hadaan wax ku dheelay waxaan diidayaa oo qudha inaan dadka hilba aan islaheyn la isugu saafin.Adiguna aragti daada xor baad u tahay , Anna teyda igu ixtiraam, hadaad doontana la faranduglee Xamaroow khayaarkaa sow maaha kk

Mahad sanidiin/=

Abdulkadir Dulyar
Muqdisho/=