AMISOM: “amniga dhulka ayey ku xirantahay bixitaankeenna”

Afhayeenka Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM,Jeneraal Richard Nyabuti Omwega, oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyay xaaladda Soomaaliya,qorshaha bixitaanka AMISOM,cidda AMISOM ka caawisa Soomaaliya iyo shaqada ay qabtaan hadda.

Afhayeenku waxaa uu sheegay in qorsha AMISOM ay dalka uga baxayaan 2021 ay tahay mid socota islamarkaana howlgalka uu ku howlanyahay in Ciidankiisa uu u dhimo si tartiib tartiib ah.

Waxaa uu sheegay in wareejinta amniga Soomaaliya ay ku xirantahay xaaladda amniga ee dhulka Soomaaliya,AMISOM-na ay baxeyso kaliya marka amaanka Soomaaliya la soo celiyo ciidanka Soomaalidana ay ku filnaadaan amaanka dalkooda.

Waxaa uu sheegay in Waddamada taageera AMISOM sida Midowga Yurub ay dedejinayaan bixitaanka AMISOM laakiin Saraakiisha amniga Soomaaliya weydiinayaan xilliga ay amniga dalkooda la wareegayaan.

Al-shabaab ayuu sheegay in laga adkaaday laakiin ay waliyihiin kuwo qatartooda wata islamarkaana adeegsanaya waxyaabaha qarxa,taasna ay tahay caqabadda ugu weyn ee ilaa hadda heysata AMISOM.

Dhinaca kale waxaa uu sheegay in howlgalka AMISOM ay taageeraan Qaramada Midoobey,Midowga Yurub,Midowga Afrika iyo Waddamo uu sheegay in ay ka tirsanyihiin Khaliijka Carabta oo uusan magacooda sheegin.

Waddamada ku lugta leh Ciidan ahaan howlgalka AMISOM ayuu ku sheegay in ay ka midyihiin; Uganda, Kenya, Ethiopia, Burundi, Djibouti,Ghana, Egypt, Nigeria, Zimbabwe iyo Sierra Leon.

Ku xigeenka AFhayeenka AMISOM, Ceaser Olweny Okello,ayaa isaguna goobta ka sheegay in Ciidamada Uganda ay yihiin kuwa ugu badan ee maamula dhulka ugu weyn inta ay maamusho AMISOM.

Waxaa uu sheegay in Xarumaha Safaaradaha,Xarumaha dowladda,Hoteellada qaar iyo Xraumaha howgalka Midowga Afrika ee AMISOM.