Taariikhdii Mujaahid Col. Cabdullaahi Yuusuf. Qormadii Hosow

Mujaahid,

Waa October 10, 2004, doorasho ayaa ka socota Mbagathi. Markii cod la sheegaba wuu boodaa, warqad iyo qalin buu wataa, waxa dhidhid ka socda wel wel aan lala qabin baa u dheer. Waa saaxiibkay Maxamuud, oo aan doorasha wada daawanayno.

Sanad ka hor Maxamuud oo aan wada dhiganayno jaamacadda Al Azhar markaan is baranay, wuxuu aad iigaga sheekeeyaa arrimaha khilaafka Puntland ee u dhaxeeyay Jaamac Cali Jaamac oo odayaal ay madaxweynaha Puntland u doorteen 14 November 2001, iyo Col. Cabdullaahi Yuusuf Axmed, oo xilkii 3-sanno ka dhamaaday, balse ku adkaysanayay in uu weli madaxweyne yahay.

Anigoo imtixaanno diyaarinaya ayuu Maxamuud, oo taageersannaa Jaamac Cali Jaamac, masaajidka xerada ardayda iigu yimaada, sheeko kalena ma xiiseeyo, wuxuu iiga sheekeeyaa taariikhda sida uu ku sheego “mugdiga iyo bahalnimada ah” ee Cabdullaahi Yuusuf. Maxamuud wuxuu aad uga xun yahay heshiis uu is dhiib u yaqaannay ee ay AUN Jen Cadde Muuse, oo Jaamac taageersannaa iyo AUN Col Cabdullaahi Yuusuf ay gaareen May, 2003.

Waan la socday xaalka guud ee Puntland. Qaar ka mid ah siyaasiyiinta iyo odayaasha dhaqanka ayaa sheegay June, 2001 in Col. Cabdullaahi Yuusuf, aasaasihii Puntland uu ka dhamaaday xilkii 3 sanno ahaa, sida uu qabay qodob 34.2 ee xeerka Puntland. Cabdullaahi Yuusuf oo rabay inuu shirka Eldoret ka furmi doonna uu ka qeyb galo asagoo madaxweynaha Puntland ah, ayaa kororsaday xilkiisa muddo 3 sanno ah. Odayaashii ayaa u doortay guddoomiyihii Maxkamadda Sare ee Puntland xilligaas Yuusuf Xaaji Nuur, oo ahaa ninkii diiday xukun kororsashadii Col-ka in uu sii ahaado Madaxweyne illaa laga soo doorto madaxweyne rasmiga ah, oo markii dambe ay u doorteen Jaamac Cali Jaamac.

Col. Cabdullaahi Yuusuf wuxuu u guuray Gaalkacyo kaddib markii laga soo saaray Garoowe iyo Boosaaso. Col.ka oo BBC waraysatay wuxuu dagaalkaas oo ay dad ku dhinteen ku eedeeyay xag-jir Itixaad ah iyo maamulkii Cabdiqaasim inuu lacag badan ku bixiyay.

Col. Cabdullaahi Yuusuf wuu soo rogaal celiyay sannadkii 2002. Wuxuu qabsaday Puntland oo dhan kaddib markii dagaalo culus uu la galay taageerayaasha Jaamac Cali Jaamac oo uu ugu horeeyo Jen. Cadde Muuse. Dagaalo ay boqollaal ku dhinteen ayaa ka dhacay Boosaaso, Garowe, Muqlataagtaag, Alxmadulilaah, Kaladhacda, Jeded, Cambaaro, Harada iyo Dhuudo. Ugu dambeyn Col. Cabdullaahi Yuusuf wuxuu tagay shirka Eldoret asagoo maquuniyay mucaaradkiisa.

Saaxiibkay Maxamuud wuxuu xilligaasi aad u necbaa Cabdullaahi Yuusuf. Markuu iiga sheekeynayo dhibaatada Col.na uu Soomaaliya ka sameeyay, joogsi ma lahayn warkiisa, wuxuu dusha u saarayay dhammaan wixii dhib ah ee dalka ka dhacay laga bilaabo inqilaabkii 1978, bilowga jabhad hubeysan, qaran dumin, iyo sheeko markaas taagneyd oo ahaa dilkii Suldaan Hurre AUN. Anigaa mararka qaarkood difaac u noqonnayay Col.ka marka ay buunbuuninta igu socon weydo.

Habeenkaas doorashada socotay October 10. Maxamuud mar walba oo Cabdullaahi Yuusuf codkiisa la sheego, farxad ayuu la boodaa, markii Cabdullaahi Axmed Caddow la sheegana wuu wel welaa. Dooraashadaas maalintaas waxaa ku guuleystay Col. Cabdullaahi Yuusuf oo noqday madaxweynaha Soomaaliya. Anigoo la yaabban is beddelka ku dhacay saaxiibkay, isna weydiinaya sababaha ayaa waxaan is iri bal su’aal weydii, markii ay coddeynta dhammaatay. Markii aan hadal maagay, wuxuu igu yiri, “aamus, aamus aan dhagaysanee natiijada”.

Shariif Xasan Sheekh oo markaas ahaa guddoomiye baarlamaan ayaa mikroofanka qabsaday, kaddibna ma aqaan sida ay wax ka noqdeen, wuxuu sheegay war aan sax ahayn, wuxuuna yiri:

“Cabdullaahi Axmed Caddow wuxuu helay 79 cod, Cabdullaahi Yuusuf Axmed 189, sidaas darteed madaxweynaha KMG ah maanta laga bilaabo waa Cabdullaahi Axmed Caddow”

Maxamuud intuu carooday ayuu yiri, “war xoolahaan ma xishoonayo miyaa?”, waxaan ugu jawaabay, “adiga ma xishootaa?”

Maxamuud markii dambe wuu taageersannaa xasuuqii uu Cabdullaahi Yuusuf Muqdisho ka geystay iyo ciidamadii Itoobiyaanka ahaa.

Adigoo oo huba in Diktoorka uu cirbado sun ah uu bukaanada ku duro, haddana in sababo kale ay kuu geeyaan inaad hooyadaa oo bukaan ah daaweynteeda adigoo faraxsan aad ugu aaminto, sax ma aha.

Soomaaliya iyadoo sidaas ah ha noolaato!

Hassan Adan Hosow