Somaaliyeey,Yaa na kala diray oo wankii cunay?.!!!.

Iga raali ahaaw ma ahan wax Akhyaar loogu maahmaaho.

Farax Agoon oo wiil yar ah iyo Adeerkii ayaa xoolo soo Arooriyay markii meel dhexe la marayo ayaa la ogaaday in wadaantii iyo doowligii ceelka lagu shubi lahaa looga soo tagay boowdkii guriga.Adeerkii ayaa yiri: faaraxoow dib u noqo ee dhaqsi ku keen. Faarax markuu gurigii yimid ayuu arkay, macallin kitaab gaabloow ahaa oo cidda dhihi jiray waa idiin duraamaa iyo xaaskii adeerka oo wax aan fiicneyn sameynaya. isma tusin ee wadaantii loo soo diray ayuu soo qaaday. waxa uu meel dhexe uga daba yimid Adeerkii, waxa uu u jeeday Adeerkii oo qaalin yar oo lo’da ku jirtay, waxaan fiicneyn ku sameynaa, Isma tusin.

Markii ceelaka laga soo fulay oo gurigii loo soo dhawyahay ayaa adeerkii yiri: lo’da tartiib u soo wad anniga Ratigan biyaha wado aayaan cidda ka sii gaarsiinayaa. Adeerkii markuu cidii yimid, ayaa xaaskii ku tiri: macalinkaan qur’aanka uu noo aqri jiray si la qaboojiyo, wankaan weyn u qal, aniguna qoryo xaaba ah oo lagu kariyo ayaan soo gurayaa, macalinkiina waan u sii sheegaa in uu dhaqsi guriga u yimaado.

Adeerkii wankii ayuu bireeyay, laakin waxa uu arkay in ayna mididu Af-fiican leheyn, waxa uu deriska ka doontay middi Af leh. intii uu sii maqnaa ayaa waxaa yimid Farax agoon iyo macallinkii, wax yar kadib waxaa soo muuqday Adeerkii oo gacanta ku wata Middi. Macalinkii ayaa yiri: waa maxay middida Adeerkaa soo wato?. Farax ayaa yiri: Adeer waxa uu lahaa ,waan arkay wixii Macalinka iyo Xaaskeeygu ay xalay sameeynayeen, mana ii noolaanayo Macaliinku. Macallinkii orod ayuu jabsaday, Adeerkiina waa ka daba orday, isaga oo ku qaylinayo, Macalin i sug, isug. Laakin macalinkii ma istaagin.

Intii ay isa sii eryanayeen ayaa waxaa timid Xaaskii Adeerka oo kor uga jeeday Macalinkii oo sii ordaya iyo ninkeedii oo sii bursanaya. Farax ayeey ku tiri: Maxaa dhacay?. Wuxuu ku yiri: Adeer waxaa uu yiri: waan ogahay wixii Macalinka iyo Xaaskeeygu ay xalay sameeyeen, laakin marka hore Macalinka ayaan soo dilayaa kadibna Xaaska ayaan dilayaa. Eedadii orod ayeey Jabsatay. Adeerkii oo Macalinkii orod ku gaari waayay oo iska soo noqday ayaa u jeeday Xaaskiisii oo sii ordeysa. Farax ayuu ku yiri: Maxaa ku dhacay Eedo.

Farax ayaa ku yiri: Eedo waxa ay tiri: Adeerkaa anniga iyo qaalinta lo’da ku jirto isla keeyna qabi maayo ee cideeydaan u sheegaa.

Adeerkii waa ka daba orday isaga oo leh waa in aan ka daba tago intii ayna i ceebeyn, iyadiina waa sii oroday markii ay u jeeday ninkeedii oo weli middidii gacanta ku wata oo ka soo daba ordaya.

Farax oo beryahan aan hilib cunin ayaa waxa uu ka faa’iiday Wankii oo u qalan, dabkii oo u shidan, xaabadii oo u taal, biyihii lagu Karin lahaa oo la keenay iyo kaligii oo u soo haray.
Akhristoo: waa kuma Faaraxa soomaalida u kala hadlay oo kooxba meel u eryay, kaligiina wankii cunay?.

FG: Argtidaada xor, wixii ka qaldan ka sax, waxaan ku hal qabsaday sheeko, anniga oo yar aan baadiyaha ku maqli jiray.laakin hadda Adigu noo sheeg cidda somalida u kala hadashay, kala eriday, kaligeedna nimcadii Alla na siiyay in ay naga dhaxasho rabto.

Qore: Yahya Amir