Nuur Iidow Beyle: “Waan ka madax banaanahay faragelinta Xukuumadda”

Guddiga Doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliya ayaa sheegay inay ka madax banaan yihiin faragelin kaga timaada Xukuumadda Federalka Somaliya.

Xildhibaan Nuur Iidow Bayle oo ah Gudoomiyaha Guddiga Doorashada ayaa sheegay in shaqada ay mareyso waqtigii ugu dambeeyay ee gaba gabada ah, maadaama maalinta berri ah ay qabsoomeyso Doorashada.

Wuxuu sheegay Guddigooda inay ka madax banaan yihiin qabsoomida faragelin dhanka Xukuumadda kaga timaado, hawlaha doorashadana ay u madax banaan yihiin.

“Anaga waxaa nahay Guddi madax banaan oo Baarlamaanka soo xulay, qaban qaabada iyo meesha doorashada ka dhaceyso anaga ayaa masuul ka ah, wax faragelin ah ma jiraan wax kastana waxa ay ku dhacayaan si cadaalad ah oo toos ah sanduuq cad ah.” Ayuu yiri Xildhibaan Nuur Iidow Bayle.

Inkastoo Xukuumadda Somaliya ay wadato qorshe ku aadan sidii xilka Gudoonka Baarlamaanka loogu dooran lahaa shaqsi Xukuumadda taageersan, ayaa haddana la ogeyn codka doorashada qofka ku soo bixi doona.

Maalinta berri ah ayaa Xildhibaanada Golaha Shacabka ay dooran doonaan shaqsiga ay u xushaan inuu noqdo afhayeenka Golaha Shacabka Somaliya.

11 Musharax ayaa u taagan qabashada xilka afhayeenka Baarlamaanka Somaliya,iyada oo doorashada la filayo in maalinta berri oo Isniin ah ay dhacdo.