Falanqeynta. Shacabka reer Beledweyne xaaladaan adag ayey ku jiraan

Shacab biyo fatahaad dhibaateeyeen waa in wax loo qabtaa. Dad ayaa ku doodaya dalka waxaa ka jirta Dawlad Faderaal ah oo ay hogaamiyaa Madax wadaniyiin ah? arinkan waa in wax laga ogaadaa maxaa ka run ah.

Bal hadey Figradan sax tahay dadkeena dhibaataysan ee reer Baladwayne biyaa la tagay oo dhibaato badan ayaa soo gaartey mudo ku dhow hal Todobaad. Markaa waa in wax la iska waydiiyaa!

Madaxdaa (Nabad iyo Nolol ) hadey u gurmadaan shacabkaa dhibaataysan waa madax wanaagsen. Si dhaqso ah u booqdaan Goobaha dhibaatadu taal. oo soo arkaan.?

Hadii ficilkaa wanaagsen dhiciwaayo Sow in wax la iska way diiyo maaha dhaqanka madaxda ugu saraysa dawlada Faderaalka. In wax ay sheeganayaan wax ka khaldan yihiin.

Inta aan ogahay Talada dawlada Faderaalku waxa ay noqotey in Ra’iisul wasaare khayre uu sheegay in 22 Xubnood la magacaabay oo uu Hogaaminayo Raysal wasaare ku Xegeenka. Mudane khadar.

waxay shaqada ay qabanayaan tahay gurmadka dadka wabigu ku fatahay ee Hiiraan Iyo Shabeeladda dhexe. Sidii gargaar loogu fidinlahaa.

Su’aashu maxaa diidey in Madaxweyne Farmaajo ama Raysal wasaare khayre booqdaan? Si ay shacabka dhibka ula qay sadaan. Dhibaatadana u soo arkaan.!

Waxaa la hadal hayaa arin dadka intiisa badan ka yaabiyey in Madaxweyne Farmaajo u socdo isaga iyo wafdi ballaaran uu hoggaaminaayo ka qeybgalka ciyaaraha finalka kubbadda cagta ee ka socda dalka Burundi

iyadoo shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Beledweyne xaaladaan adag. ku jiraan. Sidee arinka u suuroobi karaabi kartaa!

Waa in xaqiiqda laga hadlaa.

Danjire maxamed caalim