Ciidamo ka goostay Somaliland oo isku dhiibay Puntland

Ciidamo ka tirsan guutada Gacan-libaax ee ka goostay maamulka Somaliland ayaa maanta shaaciyay inay isku dhiibeen saraakiil ka tirsan Daraawiishta maamulka Puntland.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadamaasi tiradoodu gaareyso 110-askari, kaddib markii uu khilaaf soo kala dhex galay maamulka Somaliland.

Taliye K/Xigeenka ciidanka Daraawiishta Puntland oo ku sugan degaanka Hadh-wanaag ee ka tirsan gobolka Sool ayaa sheegay inay soo dhoweynayaan ciidamadaasi, isla markaana ay ula dhaqmayaan si wanaagsan oo sharaf leh.

Guddoomiyaha gobolka Nugaal,Korneyl. Cumar Cabdullaahi Maxammed(Fara-weyne) oo isna ka hadlay soo dhoweynta ciidanka soo goostay,ayaa si weyn u bogaadiyay Dhamme. Gacan-libaax oo uu ku tilmaamay halyey u dhigma hal guuto oo ka tirsan militariga Somaliland,islamarkaana mudnaan gaar ah u leh halganka lagu xoreynayo gobolka Sool.

Taliye ku xigeenka ciidanka Daraawiishta dowladda Puntland,S/Guuto. Siciid Axmed Maxammed(Shoodhe) oo dhankiisa hadal kooban goobta ka jeediyay ayaa hambalyo iyo bogaadin ku salaamay ciidankan ku soo biiray Daraawiishta dowladda Puntland,isagoo uga mahadceliyay garashadooda ku aaddan in ay dadkooda dib ula midoobaan.

Dhinaca kale wararka ka imaanayaa gobolka Sool ayaa sheegaya in guuto kale oo ka tirsan militariga Somaliland ee gobolka Sool ay si cad ugu amar-diideen taliyaha guud ee ciidamada Somaliland,Gen.Nuux Ismaaciil Taani oo ku amray in ay u soo guuraan dhinaca Tukaraq,si loo mideeyo awoodda militariga Somaliland ee gobolkaasi oo haatan xaalad dagaal ay ka jirto.

Guutada kale ee ku amar-diidday taliyaha ciidamada Somaliland ayaa fadhigoodu yahay buuraha dhinaca Waqooyi ka xiga degmada Laascaanood,waana cududda labaad ee Somaliland gobolkaasi ku leedahay marka laga reebo guutadii Gacan-libaax ee maalmo ka hor ka baxay taliskaasi.