Urur Dhalinyaro oo Sayid Maxamed Cabdule Xasan Taalo uga Dhisaya Magaalada Hargeysa

Magaalada Hargeysa waxa lagaga dhawaaqay urur la magac baxay, ururka ururinta Aasaarta iyo Sooyaalka Somaliland. kaasi oo ay ku dhawaaqeen Dhalinyaro isugu jirta Abwaano iyo Aqoonyahano

ujeedada ururkan ayaa lagu sheegay in ay tahay sidii loo daryeeli lahaa magacoodana kor loogu qaadi lahaan Taariikhda iyo Aasaarta soo jireenka ah Somaliland, waxa kale oo ay sheegeen in ay Taalo ka dhisi doonaan magaalada Hargeysa Sayid Maxamed Cabdale Xasan

Gudoomiyaha ururka Ridwaan Cabdilaahi Cilmi oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in ujedada ay ka leeyihiin samaynta ururkani tahay sidii loo heli lahaa meel laga helo taariikhda iyo aasaarta ay caanka ku yihiin dadka Somaliland “ujeedada aanu maanta ugu talo galnay samaynta ururkani waxa weeeye maadama aanu dalkeenu lahayn urur iyo xarun ka shaqaysa taariikhda iyo aasaarta, waxanu garanay in aanu ururino oo ka daba tagno taariikhdii iyo waxyaabihii uu dalkani caanka ku ahaa”

Cabdale Ciise Xasan oo ah Agaasimaha ururka ayaa isna hadal kooban oo uu halkaasi ka jeediyay waxa uu ka waramay muhiimada uu leeyahay sidii loo heli lahaa meel loogu soo hagaago taariikhda iyo Aasaarta uu leeyahay dalkeenu. ” maanta halkan waxa jooga Aqoonyahano iyo Dhalinyaro usoo diyaar garoobay sidii ay u samayn lahaayeen wax dalka somaliland muhiim u ah, taaso ah sidii looga shaqayn lahaa helida iyo soo bandhigida Taariikhda Somaliland”