Maqaal: Maxaad ka xasuusataa xasuuqii Dagaalkii loogu magac daray “Tuhun iyo Toora Boora”

Mujaahid,

Waa galab dabayaaqadii 2002, bulsho aad uga daashay maqalka dagaalka ayaa waxay dhagaysanayaan BBC. Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe, oo markaas ahaa Guddoomiye ku Xigeenka ururka hubeysnaa ee RRA ayaa BBC la hadlaya asagoo asaga iyo ku xigeenkiisa AUN Maxamed Ibraahim Xaabsade looga saaray Baydhabo kaddib dagaal ay la galeen guddoomiyahooda Col. Xasan Maxamed Nuur Shaatiguduud .

Waxaa laga waraysanayaa sababta ay maalintii Luulyo 1, 2002 halkii ay shacabka uga dabbaal degi lahaayeen 1 Luulyo ay dagaal 50 qof ka badan ku dhimatay, ka badan ku dhaawacmeen ay Baydhabo uga qarxiyeen.

Sheekh Aadan wuxuu yiri, “tuhun ayaa na galay sidaas ayaan Shaatiguduud dagaal hubeysan ula galnay”. ” ma tuhun keliya ayaad xabbad u riddeen?”ayuu wariyihii weydiiyay asagoo yaabban. Dagaalkaas oo loogu magac daray “Tuhun iyo Toora Boora”, oo muddo socday, wejiyo badanna yeeshay, waxay raggaan sababeen geerida dad badan.

Guddoomiyaha Ururka RRA AUN Col. Xasan Maxamed Nuur Shaatiguduud, waxaan markii ugu horeysay ku arkay Baydhabo baaddiyaheeda 1997 annagoo qax ah, asagoo dagaal kula jira maleeshiyadii Xuseen Caydiid oo Baydhabo xoogga ku heystay, waxaa la socday AUN Xaabsade iyo taliyayaal kale.

Col. Shaatiguudud oo la hadlaya dadka ayaa yiri, “Waxaan rabnaa taageero, sidoo kale adkaysi, waxaan ku jirnaa dagaal uu nagu soo qaaday cadaw uu hoggaamiyo Jen Caydiid AUN, uuna dhaxlay wiilkiisa, Xuseen Caydiid oo nooga soo duulay gobolada dhexe. Waa gumeysi madow, oo leynaya shacabkeena, adkeysta, na taageera, waan ka guuleysan doonnaa. Sannadkii 1992, waxaa dadkaan laayay Jen. Morgan iyo Gaani, haddana Xuseen Caydiid oo OROMO wata baa leynaya, tuulooyinka gubaya, waa inaan iska dhicinaa, falkaanna ciqaabtiisa la mariyaa”.

Sannadkii 2001, RRA ayaa Baydhabo heysata, oo dagaal ay Itoobiyaan ku caawiyeen Baydhabo kaga qabsatay Xuseen Caydiid Baydhabo June 6, 1999. Qabaa’ilka deegaanka qaar ee Caydiid taageeray ama RRA aan noqon, waxay dareemayaan in ayagana la qabsaday, lana ciilayo.

Sannadkaas 2001, waxaan booqday ehelkayga jooga magaalada. Anigoo fadhiya meel u dhow xarunta booliska ee Baydhabo ayaa waxaan arkay dhallinyaro 10 ka badan oo curyaan ah oo saf ugu jira caawinaad ay shirkad bixinayso. Albaabka shirkadda waa laga celcelinayaa, weliba si ixtiraam darro ah. Labo ka mid ah oo laammo jaad ah wata ayaa i soo ag fadhiistay. Waxay iiga sheekeeyeen in ay “halyeeyo” yihiin oo “xurriyadayda” u waayay lixaadkooda:

“Dhulkaan anagaa ka xureynay Xuseen Caydiid iyo Moorgan, Gaani. Saaxiibkay RRA iyo SDM-ba waa ku jiray, aniga RRA keliya ayaan ka qeyb galay. Lugaheena sidaas ayaan ku weynay. Annaga waxba ma hayno haddanna laakiin “cadawgii” waan ka saarnay dhulkaan mana imaan karaan mar kale”.

Daqiiqadda uu sidaasi iila hadlayo, Baydhabo waxaa ku sugan sida sawirada muujinayaan Xuseen Caydiid, Jeneraal Moorgan, kuwa kale oo ka mid ah ururukii ay Itoobiya samaysay ee SRRC, oo lagu doonayay in lagu dummiyo dowladda markaas dhalatay ee Cabdiqaasim Salaad madaxweynaha ka ahaa, oo shir la leh Col. Shaatiguud, Sh. Aadan Madoobe iyo Xaabsade.

Markaan dhagaystay wiilasha curyaamay, waxaan soo xusuustay hadalkii Shaatiguduud ee 1997, sida ay wax u socdaan, iyo ogaal darrada wiilashaasi ee ah in cadawga ay sheegayaaan uusan cadaw ahayn, sheekadaasna mar hore laga talo baxay. Haddii shirka SRRC ee meel aan ka fogeyn ka socda ay ka qeyb gali lahaayeen, waxay isla Shaatiguduud ka maqli lahaayeen, “u sacbiya walaalaheen sharafta badan ee Moorgan iyo Xuseen Caydiid”.

Soomaali ayadoo sidaas ah ha noolaato!

Sh. Aadan Madoobe hadda waa murashax raba in Guddoomiye Baarlamaan lagu abaal mariyo!

Qalinkii Hassan Adan Hosow