Wararlka ka imaanaya Magaalada Hargaysa ayaa sheegaya in Maxkamadda gobolka Maroodi Jeex ee Soomaaliland ay xukun ku riday Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buur-madow oo ka mid ah Madax dhaqameedyada Somaliland.
Maxkamada ayaa Boqor Buur-madow ku riday shan sano oo xabsi ah, kadib markii loo fadhiistay dhageysiga dacwada lagu soo eedeeyay.
Dhanka kale Boqor Buur-madow ayaa dhawaan laga siidaayay xabsi ku yaala magaalada Hargeysa si damaanad ah, isiga oo loo haystay inuu sheegay hadal dhaawacaya madax banaanida Soomaaliland mar uu ku sugnaa deegaanada Puntland.