Wasiirka Gaashaandhigga oo is casilay

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa maanta iska Casilay xilkaasi.

Wasiir Mursal oo ka mid ah Musharraxiinta u taagan qabashada xilka Afhayeenka BFS ayaa warqadiisa is Casilaada u gudbiyay guddiga qaban qaabada doorashada guddoomiyaha Golaha Shacabka, isagoona qaatay shahaadada Musharraxnimo, si uu ugu tartamo xilkaasi.

Waa wasiirkii 3-aad oo ka tirsan XFS oo Is Casila, iyadoona shalay xilalka ay baneeyeen Wasiiru dowlihii wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Cabdcasiis Xasan Maxamed “Lafta Gareen” iyo wasiir ku xigeenkii Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Ibraahim Isaaq Yarrow oo ka mid xubnaha ku tartamaya xilkaasi.

Gelinka dambe ee maanta ayaa lagu wadaa in la soo gabagabeeyo is diiwaangalinta Musharraxiinta ku tartameysa xilka guddoomiyaha koobaad ee Golaha Shacabka, iyadoona doorashada ay dhici doonto 30-ka bishan April ee 2018-ka.