Maqaal: Maxaad ka xasuusataa Baydhabo September 17, 1995?…

Waa galab December, 2015. Waxaan fadhiyaa hotel ku yaalla Muqdisho, waxaa markaas ii yimid koob qaxwe ah oo aan dalbaday. Meel aan sidaasi iiga fogeyn waxaa fadhiya oday ay ka muuqato da’ lagu lammaanay aqoon iyo waayo aragnimo. Hadalada waddaniyadda ah ee uu kula hadlayo dhallinyarada ag fadhida ayaa aad ii soo jiitay, wuxuu uga sheekeynayaa inuu dalka gumeysi ka jiro. Markii ay dhalinyaradii iyo asaga ay kala dhamaysteen, asaga ayaa meeshii ku sii haray. Waan salaamay, waan is barranay, wuxuuna iiga sheekeyay taariikh nololeedkiisa:

“1970-yadii ayaan Okoloma University ka soo qaatay Masters Degree, muddo waxaan ahaa diblomaasi. 15 kii sanno ee ugu dambeeyay, marna waxaan ahaa Wasiir-ku xigeen, marna xildhibaan illaa dowladdii Cabdullaahi Yuusuf”.

Dhexda ayaan ka galay warkiisa si aan su’aal u weydiiyo:

“Adeer dagaalada markay dhaceen, ma dibadda ayaad u qaxday?”

“Maya waxaan joogay dalka, howl culus baan hayay, waxaan ahaa la Taliyihii Libaaxii Africa, Gen. Maxamed Faarax Caydiid, nin geesi ah oo aan marnaba la ilaawi karin, Soomaaliya abaal u heyso, xabashina ka adkaa”.

Waxaan isku dayay in aan qaab aqoonyahan ahaan wax iga faa’iido xogtiisa. Wax aan aqoonna ii sheego. Waxaan weydiiyay: “Caydiid AUN haddii uu ahaa nin sidaas u wannaagsan, muxuu dowladnimo ugu tannaasuli waayay, oo uu dagaal u doortay meel ba mar u weerari jiray tusaale ahaan Baydhabo September 17, 1995?”

Laba sababood oo siyaasadeed ayaan maqli jiray inuu Caydiid Baydhabo u qabsaday umad baddana ugu laayay:

1- Inuu xoojiyo dowladdiisa salballaar kana hor tago maamul goboleed laga dhisay Baydhabo 1995.
2- In Col. Maxamed Nuur Caliyow, oo asaga ku xigeen u ahaa, uu ka dalbaday garab, arrimo beelo is ku dagaalay gobolka Baay.

Ninka odayga ahaa, labadaas sababoodba waan hor dhigay, balse meel kale ayuu ii la booday.Wuxuu ii sheegay wax aan la yaabay:

“Waxaa Gen. Caydiid oo ahlu diin ahaa, oo dadka qaar ay owliyo ku sheegeen soo gaartay, in UNOSOM iyo hay’adaha gargaarka meesha joogay, ay 70% dadka deegaanka gaalo wada noqdeen, si Islaamka loogu gargaaro, ayuu Baydhabo u weeraray ama dagaal ku galay.

Xilliga uu ka hadlayo dhammaan ciidamada iyo hey’adaha midna ma joogin meesha, waxay dalka ka baxeen sannad ka hor.

“Beledweyna ama magaalooyinka kale ka waran , oo ay caasimadda ku jirto, ma gaalo baa joogtay?” ayaan weydiiyay maaddaama uu Caydiid weeraray. Wuxuu iigu jawaabay:

“Adeer meel walba uu Gen. Caydiid weeraray ama gaalo ayaa joogtay, ama gaalo raac, ninka wuxuu ahaa waddani, aniga maalinta uu Baydhabo weeraray waan la socday, waxa na loo sheegay run bay ahaayeen”.

Waxaan ku iri: “Adeer dadkii iyo caruurtii aad dhibaatada maalintaas u geysateen baan ku jiraa, Gen. Caydiid waa iga cafis, adiga hadda aad i hor fadhiso, ka waran haddii wixii dhacay aan ka soo qaadno khalad taariikh ee dhacay, adigana aad cafis iga dalbato?”

Wuu carooday, wuxuuna igu yiri: ” Cafis kaaga ma baahni”. Markii ii si carro leh u kacay, waa da’, wuu kufi gaaray. Gacanta ayaan qabtay illaa albaabkana waan sagootiyay, mahadsanid iyo macasalaama midna ima dhihin.

Taageerayaasha Moorgan halyeey yiri ayaaba roonnaa. Owliyo ayaa laga hadlayaa!

Inta ay jiraan dad noocaas ah, qaladkii shalay dhacay, mar walba waa soo noqon karaa. Qiraalka, garowshaha iyo raali gelinta waa buurta ku hor dadban nabadda!

Taxanaha Mujaahidiinta wuu socon doonnaa!

Qormadii Hassan Adan Hosow