Dawlada Kenya oo joojisay xaflad soo dhawayn ah oo Nairobi loogu qaban lahaa siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo horay wasiir uga soo noqday dawlada federaalka ah ee soomaaliya sanadkii lasoo dhaafayna u sharaxnaa xilka madaxweynaha dawlada federaalka soomaaliya ayaa laga soo joojiyay xaflad soo dhawayn ah oo loogu qaban lahaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Siyaasi Cabdiraxmaan ayaa dhawaan laga qaaday xayiraad xaga socdaalka ah oo ay saartay dawlada federaalka , safarkiisii ugu horeyay ayuuna  ku tagay Nairobi sida uu ku baahiyay baraha ay bulshada ku xiriirto, wararka aan helayno ayaa sheegaya in amarka lagu joojiyay xafladaan ay kasoo baxday madaxtooyada dalka keenya.

Cabdirixmaan ayaa sidaan oo kale horay looga joojiyay kulamo uu ku qaban lahaa magaalada Muqdisho, iyadoo sanadkii horena ay dawlada federaalku xirtay, siyaasigaan ayaana lagu eedeyay in uu gacan saar la lahaa wadamo shisheeye inkastoo weli aan si cad loo muujin danbiga loo haysto, balse waxa uu dhawr jeer kasoo muuqday maxkamadaha ku yaala magaalada muqdisho ee caasimada dalka iyadoo ay maxkamadu sheegtay in aan wax denbi ah lagu helin balse xeer ilaaliyaha qaranka ayaa sheegay in uu racfaan ka qaatay, weli lama oga halka uu kiis kaasu ku danbeeyey , Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur  ayaan weli ka hadlin  sababta loo joojiyay xafladiisa.