Musharixiinta guddoonka baarlamaanka oo maanta la filayo inay isdiiwaan geliyaan

Waxaa maanta la filayaa in mid kamid ah sharuudaha laga doonayo inay buuxiyaan musharixiinta u taagan xilka guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya.

Guddiga doorashada ayaa maalintii shalay shaaciyay jadwalka doorashada guddoonka baarlamaanka iyo sharuudaha laga doonayo musharixiinta.

Is diiwaangelinta Musharaxiinta ayaa waxa ay soconeysaa 23-ka April oo maanta ku beegan ilaa 24-ka April oo berri ah, waxaana watiga shaqada uu yahay 10:00-AM ilaa 05:00-PM, sida ku xusan warqada, ay soo saareen Guddiga.

Guddiga doorashada guddoonka baarlamaanka Soomaaliya ayaa shalay shaaciyay sharuudo ay kamid ahaayeen in musharixiinta xilka haya ay u keenaan warqado cadeynaya inay xilkaasi ka tanaasuleen.
Doorashada guddoonka baarlamaanka ayaa dhaceyso dhamaadka bishan.