Gudoomiyaha Dhuusamareeb “Haloo Midoobo la dagaalanka Al-Shabab”.

Gudoomiyaha Magaalada Dhuusamareeb Macalin Nuur Cilmi Cabdulle oo la hadlay Mustaqbal Radio ayaa sheegay in Shirka ka soconaya Xarunta Galmudug uu muhiim u yahay dadka kunool Deegaanada Maamulkaasi.

Waxa uu sheegay in Al-Shabaab ay qorsheynayaan Weeraro ay ka geystaan Deegaanada Galmudug, sidaa awgeedna Shacabka iyo Maamulka laga doonayo in ay iyanna isla meel dhigaan sidii ay kaga hor tagi lahaayeen.

Gudoomiyaha Dhuusamareeb ayaa sheegay in Shacabka ay sabab u ahaayeen sugidda amniga Caasimadda Galmudug, haddana laga doonayo in sidaas oo kale laga doonayo ka qeyb qaadashada.

Mustaqbal ayaa weydiisay Macalin Nuur waxa uu kaga duwan yahay Shirkaan kulamo sidaan oo kale ka dhacay Meelo kala duwan oo dalka, waxa uuna tibaaxay in si dhab ah looga hadlayo shirka si looga hortago falalka amniga Liddiga ku ah.

Gaarsiinta Amniga waxa uu tibaaxay in ay marsiinayaan sida ay u kala hooseeyaan, looguna kala baahi badan yahay Deegaanada Galmudug.

Shirka amniga Galmudug oo ay soo wada agaasimeen Wasaarada Amniga iyo Haweenka Galmudug ayaa looga hadlayaa sugidda Amniga Deegaanada Galmudug.

Maaamulka Galmudug ayaa ku dhawaaqay Dagaal ka dhan ah Al-Shabaab Goobaha ay maamulaan, waxa ayna dhanka kale sheegeen in ay kahor tagayaan Weeraro ay damacsan yihiin in ay Al-Shabaab geystaan.