Maxkamad ku taalla magaalada Mombasa ee dalka Kenya ayaa waxaa mar kale ka soo muuqday 4 Haween ah oo lagu eedeeyay in ay xiriir la leeyihiin Xarakada Al Shabaab.
Haweenkaasi ayaa Sanadkii 2015-kii lagu eedeeyay in ay kulan ku yeesheen magaalada Nairobi ee xarunta dalkaasi, iyagoo qorsheynayay sidii ay uga gudbi lahaayeen Xadka Kenya, si ay ugu biiraan Al Shabaab.
Labo ka mid ah Haweenkaasi ayaa waxaa Ciidamada Booliska ee dalka Kenya ay ka qabteen magaalada Mandera ee gobolka Waqooyi Bari, iyagoo doonayay in ay si dhuumaaleysi ah ugu gudbaan Soomaaliya.
Joseph Kolum oo ka mid ah qareenada Maxkamadda magaalada Mombasa ayaa sheegay in la hayo cadeymo laga helay Telefonada gacanta ee ay wateen Haweenkaasi.
Xaakinka Maxkamadda ayaa sheegay in dhageysiga dacwaddaasi dib loo bilaabi doono maalinta Beri ah.