Xulka Somalia ee 17-Jirada oo ka badiyay Dhigooda Kenya Iskana Xaadiriyay Semi Final-ka Tartanka Cecafa U17 Challenge Cup.

Xulka Qaranka Soomaaliya ayaa gaaray guushii ugu horeysay tartanka Cecafa U17 Challenge Cup markii ay 1-0 ku dubteen dhigooda Kenya, waxayna taasi u sahashay iney si aan muran lahayn u tiigsadaan Semi Final-ka tartanka iyagoo ku soo baxay waliba kaalinta 1-aad ee Group-ka A.

Somalia waxay ku soo baxeen 7-dhibcood, Guusha uu qaranka gaaray waa middii labaad oo ay gaaraan 10-kii sano ee la soo dhaafay, sidoo kalana waa markii ugu horeysay oo ay qaranka da’ walba u gudbaan wareegga bug-baxda tartamada ay ka qeyb galeen kan gobolka iyo kan caalamkaba.

Dhanka kale Xulka wuxuu ku talaabsaday hormar, waxaana qaranka hadda leylinaya macalinkii hore kooxda Jeenyo United Salaad Faarax Xasan.