Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka oo Sheegay in Wada Xaajood uu u baahan yahay Federaalka Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka Dalka Mahdi Maxamed Guuleed (Qadar) ayaa sheegay in Nidaamka Federaalka Soomaaliya uu u baahan yahay in wada tashi laga sameeyo.

Qadar ayaa sheegay in dhinacyada u baahan u baahan Gor-gortanka ay kamid yihiin:- Maaliyadda, Dib u eegista qaabka federaal ay Soomaalida heshiiska ku ahaaneyso, Qeybsiga Kheyraatka, Cadaaladda, Awoodda Hay’adaha Dowladda iyo kuwa Dowlad Goboleedyada iyo kuwo kale.

Waxa uu sheegay in Xeen-daabka Shareecada lagu shaqeynayo Maadaama uu sal u yahay Dastuurka dalka la raaco, Dastuurkana uu noqdo mid guud ahaan dalka wax kusoo kordhiya.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka ayaa sheegay in markale uu baahan yahay Dastuurka in la qeexo nuuca Soomaalida ay ku heshiineyso Federaalka inta laga gaarayo Doorashada Qof iyo Codkii ee la filayo in Dalka ay ka dhacdo.

Kala saarista Hay’adaha Dowladda dhexdeeda in uu si wanaagsan u qeexo, qeybaha kala duwan ee Bulshadana ay aragtiyo ku yeeshaan Dastuurka kahor inta aanan la qaadan go’aanka la xiriira Nuuca Federaalka iyo qabyo tirkiisa.