Madaxweyne Farmaajo oo Warqadihiisa Safiirnimo ka gudoomay Danjiraha Qatar ee Somaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Xafiiskiisa Wasaaradda Gaashaandhigga kaga guddoomay warqadaha danjiranimo Safiirka Dalka Qatar ee loo soo Magacabay Soomaaliya Xasan Xamsa Asad.

Danjire Xamsa ayaa Madaxweyne Farmaajo u gudbiyay salaan uu uga siday Amiirka Dalka Qatar Sheekh Tamiim Binu Xamad, waxa uuna adkeeyey danjirahu in uu kaaalintiisa ka qaadan doono xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa uga mahad celiyey Amiirka dalka Qatar iyo dowladdiisa sida ay diyaarka ugu yihiin xoojinta xiriirka ay la leeyihiin Soomaaliya, isagoona rajeeyey in xiriirkan uu mira dhal u noqdo danaha labada dal.

Safiirkan Cusub oo ah mid ay awoodiisa dhameystirantahay ayaa la filayaa inuu Kaalin firfircoon ka qaato danaha Dowladda yar balse qaniga ah ee Qatar ka leedahay arimaha Somaliya.

Si Kastaba, Magacaabida Safiirkan maanta Warqadihiisa danjirenimo laga gudoomay ayaa ku soo aadeysa iyadoo ay cirka isku sii shareertay Khilaafka udhexeeya Dowladda Imaaraatka Carabta iyo Somaliya oo la aaminsanyahay iney lug ku leedahay Qatar oo Saaxiibadeeda Somaliya dhex fadhiyaan Xarunta Madaxtooyada Somaliya.