Ciidamadii ay tababartay Imaaraadka oo si rasmi ah maanta ugu Biiray Ciidamada Dowladda Soomaaliya .

Waxaa maanta si rasmi ah loo sheegay in ciidamadii ay tababareen Imaaraadka Carabta si rasmi ah ugu biireen maanta Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Gen. C/laahi Cali Caanood Abaanduuliyaha Ciidamada Xoogga dalka Somaaliya , ayaa sheegay in sidoo kale ay la wareegeen Xerada Ciidamada Jeneraal Gordan ee Imaaraadka ay gacanta ku hayeen.

Abaanduuliyaha ayaa sidoo kale sheegay inay la wareegeen gaadiidka dagaalka ee Imaaraadka ay ciidamada ku tababareen, Ambalaasyo iyo qalab kale oo ciidan,Islamarkaana magaca xarunta loo bixiyay Xarunta Daljir ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaliyeed.

Dhanka kale Xarunta Gen.Gordon Degmadda Hodan ee Magaaladda Muqdisho,ayaa waxaa daganaa Saraakiil ka tirsan Imaaraadka Carabta, balse khilaaf soo kala dhex-galay Dowladdaha Soomaliya iyo Imaaraadka ayaa keenay in Saraakiisha ay Xaruntaas faarujiyaan.