Fowsia Cabdi Aadan oo 51-jir ah ayaa la sheegay lagala laabtay Aqoonsiga Muwaadinimadda Maraykanka (U.S. Citizenship), kadib, markii ay Maraykanka si been abuur ah ku soo gelisay Nin ay sheegtay inuu yahay Saygeeda iyo 4 carruur ah oo aysan dhalin.
Susan Richard Nelson oo ka tirsan Garsoorayaasha Federal oo ka tirsan Maxkamadda Heerka Degmo ee Gobalka Minnesota ayaa shalay ku dhawaaqday inay Waaxda Caddaaladda Maraykanka go’aamisay in Fowsia Cabdi Aadan lagala laabtay Dhalashadda Maraykanka, kadib, markii lagu helay inay qaab been abuur ay ku keentay dalkaasi dad ay ku sheegtay Saygeeda iyo carruur ay dhashay.
Fowsia Cabdi Aadan waxay dalka Maraykanka gashay sannadkii 2001-dii, iyadoo ku gashay Fiisaha lagu bixiyo Nidaamka Bakhti-yaa-nasiibka ee loo yaqaano (visa lottery program).
Si kastabaha ahaatee, Kiiskan ayaa la sheegay inuu qarxay, kadib, markii ay Baarayaal ka socda Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka ugu qaabilsan Ammaanka Diplomaasiyadda ku soo baraarugeen sannadkii 2010-kii, kadib, markii uu Axmed Maxamed Warsame oo ay Fowzia Abdi Aden sheegtay inuu saygeeda yahay uu codsaday inuu Maraykanka keeno Xaaskiisa Runta, oo lagu magacaabo Yurub Jamaac Hirad oo haysata Dhalsahadda dalka Yemen, taasi oo ay is-guursadeen sannadkii 1996-kii.