Ciidamada Dowladda oo Bilaabay dhaq dhaqaaqyo ciidan oo ka dhan ah Al-Shabaab.

Wararka ka imaanaya Gobolka Sh/Hoose ayaa sheegay in Ciidamada Militeriga Soomaaliya ay bilaabeen Howlgal ka dhan ah Al-Shabaab.


Ciidamada Dowladda ayaa howlgalkooda ka bilaabay deegaanada Doon-buraale, Aarmoy, Gorgaal iyo kuwo kale oo ka wada tirsan degmada Qoryooley ee gobolka Sh/Hoose.
Cali Maxamed Adan Taliyaha Ciidamada Militariga ee degmada Qoryooley ayaa sheegay in howgalka uu socdo isla markaana qorshahu uu ahaa in mar hore ay bilaabaan, laakiin roobab da`ay awgeed ay u bilaabi waayeen howlgalkaasi.
Dhanka kale Deegaanada ciidamada Dow,adda ay sheegeen in howgal ay ka bilaabeen ayaa waxaa horay ugu sugnay Maleeshiyaadka Al-Shabaab.