Maqaal: Soomaali Dowladnimo Wey Rabtaa Dariiqeedna Ma Heyso

“Dowlad waa tii u adeegta bulshadeeda, welina ma heyno”!

Xilligii wacnaa ee ey Dowladdu aheyd mid u adeegta bulshada waxaa bedeley, sidii tuugo xoolo ey dheceen qeybsanaya, in ey dowladnimaduba ahaato kaliya “War tuugada hantida dalka, deeq iyo canshuurba ku soo gasha, kala boobaya reerkeena qaar ah ma ku jiraan”!.

Gudbe Xilligii la oranjirey Dowladda dakhliga soo gala, deeq iyo canshuurba, waxbarashada ayey ubadkeena ugu dhistaa, wey nagu daweysaa, amnigey inoogu sugtaa, beerahey inoogu waraabisaa, xoolahey inoogu daweysaa, ceelal bey inoogu qodaa, wadooyinkey inoogu distaa, dekedaha iyo garoomaha diyaaradahey inoogu dhistaa, warshadahey inoogu dhistaa, danyarta iyo agoontey ku dhaqaaleysaa, shaqaalahey guryo ugu dhistaa, dhalinta soo kaceysa ayey tacliin sare iyo shaqaba ku siisaa, xuquuqdeyda iyo xurmadeyda ayey ku ilaalisaa, iwm.

Haatan waxaa yimid qabiil kasta hal nin “WASIIR” ha laga soo saaro xaaraanta wax ka cuna, inta kalena yeelkood.

Waxaase ayaan darro weyn ah, oo ka daran arinka ah “qabiil walba ha laga keeno hal mid oo xaaraanta wax ka cuna”, waa in ey ummadda Soomaaliyeed kuwaas xeerada xaaraanta ah ku xoonsan la kala saftaan, oo eyba dartood isu nacaan oo ey isugu gafaan amaba xitaa isu dilaan.

Soomaaliyey dowladnimo waad jeceshahey dariiqeedase aanu wada doono, oo dhalanteedka eynu ka baxno!

Abdulqadir Abdi Farah