Korneel Cabdinuur Jaamac oo ka hadlay Habka loo dhisi karo Ciidamada badali kara AMISOM.

Korneel Cabdinuur Jaamac oo kamid ahaa Saraakiishii Dowladii dhexe ee dalka oo la hadlay Mustaqbal Radio ayaa sheegay in habka loo dhisi karo Ciidamada Dowladda ee shaqada kala wareegayo howlgalka AMISOM ay tahay in lasoo uruuriyo Ciidamada ku sugan Gobolada Dalka.

Habka loo marayo qorshaha Dhismahooda waxa uu ku sheegay in la siinayo Tababar guud, lana barayo Qiimaha uu leeyahay dalkooda, sidoo kalana lagu dadaalo in laga fogeeyo Ciidanka la dhisayo qeybsiga habka Beelaha.

Korneelka ayaa sheegay in go’aanka uu Madaxweyne Farmaajo ugu guuray Wasaaradda Gaashaandhigga uu ka miro dhalin karo hadii uu isku dhafo Ciidanka la diyaarinayo, Guud ahaan Gobolada Dalkana laga keeno Ciidamo ay ka go’an tahay in ay Dalka wax u qabtaan sida uu hadalka u dhigay.

Ku xigeenka howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM Simon Mulongo ayaa todobaadkaan sheegay in Ciidamada Soomaalida waxyaabaha kahor taagan in ay howlgalka kala wareegaan sabab u tahay Tababarada kala duwan ee ay siinayaan Dowladaha Taageero Dowladda.

Korneer Cabdinuur oo hadalkaasi ka warceliyay ayaa Ciidamada AMISOM ku dhaliilay in ay ku qasaareen Howlgalkooda Soomaaliya, maadaama aanan diyaarin Ciidankii Badali lahaa oo iyaga laga rabay in ay isku uruuriyaan, isla markaana ay siiyaan Tababar guud.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Xarunta Wasaaradda Difaaca inta uu degen yahay waxa uu isbadal ku sameeyay Hoggaanka Ciidamada, isagoona dhalinyaro u Magacaabay in ay Hoggaamiyaan.