Ciidamada Dowladda iyo Kuwa AMISOM oo la wareegay deegaano ka tirsan G/ Hiiraan

Ciidamada milatariga Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa lagu soo warramayaa in saacadihii la soo dhaafay ay la wareegeen deegaano horleh oo ku yaalla gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Afhayeenka maamulka Gobolka Hiiraan Maxamed Nuur “Cagajoof” oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in Shalay Ciidamada huwanta ah ay la wareegeen gacan ku heynta deegaano u dhexeeya degmooyinka Baladweyne, Maxaas iyo Matabaan ee gobolkaasi.

Waxaana uu intaasi ku daray Afhayeenku in ay wadaan qorshe cusub oo lagu kordhinayo howlgallada ka dhanka ah Xarakada Al Shabaab ee deegaanada maamulka HirShabelle.