Sh.Shariif oo ku baaqay in la dejiyo xiisadda diblomaasiyadeed ee UAE iyo Somaliya

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ku baaqay in la dejiyo xiisadda diblomaasiyadeed ee hadda ka dhex aloosan Soomaaliya iyo Imaaraadka.

Sheekh Shariif oo Wareysi siiyay TV-ga Al Carabiya ayaa waxaa uu sheegay in Labada dowladood ee Imaaraadka iyo Soomaaliya uu xiriir weyn ka dhaxeeyo,waxaana uu labada dowladood ugu baaqay in ay si hoose u xalli yaan isfaham waaga hadda ka dhex taagan.

Shariifka ayaa sheegay in labada dal uu ka dhaxeeyo xiriir qoto dheer oo dhaqan dhaqaale iyo mid umadeed sidaas darteedna ay muhiim tahay in si hoose loo gaba  gabeeyo khilaafka labada dowladood ka dhex taagan.

Dowladda Federaalka ah ayaa shalay shaacisay in ay diyaar u tahay dib u soo celinta xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal iyada oo xustay in is faham waaga soo kala dhexgalayna xal laga gaarayo.

Dowladda Imaaraadka ayaa todobaadkan shaacisay in ay joojisay tababarradii ay siin jirtay Ciidamada Soomaaliya ee ay tababarto.

Arrintan waxaa ay soo baxday kaddib markii 8dii Bishan Garoonka Aadan Cadde lagu qabtay lacag $9.6 Milyan ahayd oo ay lahayd dowladda Imaaraadka taas oo ay ku sheegtay in ay ugu talagashay mushaarka Ciidamada Soomaaliya.

Facebook Comments