Maqaal: Afkii Dab Yiri Ma Guban

Prof. Jawari qudbadiisa maanta ee is casilaadda iyo xil wareejintiisa waxaa ku jiray sheeko uu soo qaatay wuxuuna yiri sidaan” waxaa dhacday bari in laba hooyo ay isku qabsadeen wiil, miskastaaba ay ku doodeeysay inay wiilka iyada dhashay, markii xaalkii la bixin waayay baa waxaa loo geeyay qaali aaqil ahaa. Qaaligii waxaa uu soo jeediyay oo ku yiri hooyooyinkii wiilka laba qayb baan ukala jarayaa midba qayb baan siinayaaa. Hooyadii wiilka runta u dhashay waxay tiri maya qaali yaan lakala jarin ayada sii maalin uunbuu dad wax tari doonaaye”

Qudbadiisa markaan aqriyay waxaan arkay in damiirta, aqoonta iyo waayo aragnimadda ay qofka xakameyn karto. Waxaan dareemayaa cabsi badan in markale awooda Golaha Sharci dejinta oo ah meesha laga unko dowladnimadda ay u gacan gasho qof aan lahayn aqoon durugsan iyo jeceel wadaniyad-nimo, waxaan ka cabsanayaa in ajanabi leh dano gaar ah sharciga dalka sida ay doonaan u isticmaalaan.

Waxaan aad uga codsanayaa guud ahaan umadda Soomaaliyeed inay muujiyaan feejignaan iyo taxadar badan waayo wuxuu dalkeena ku jiraa marxalad adag oo loo baahan yahay qofka badali doono Gudoomiye Jawaari in aad looga fiirsado. Cabsidaas darteed waa sababta aan u taageeraayay Jawaari. Ilaahoow Soomaaliya badbaadi.