Waan soo dhawaynayaa Ex Gudoomiye Jawaari in uu muujiyay tanaasulaad aad loogu baahnaa waana….

Waan soo dhawaynayaa Ex Gudoomiye Jawaari in uu muujiyay tanaasulaad aad loogu baahnaa waana wax mudan in lagu daydo laguna amaano.

Siyaasad aad uhooseeysa ayaa muddooyinkii danbe dalku lugaha kula jiray muhiim ayayna u ahayd in lahelo dulqaad iyo in loo dhimriyo shacabka Soomaaliyeed.

Waxaa muuqata in ay bannaantahay jagadii ugu cuslayd ee aas aaska doowladnimada aan ku taagnayn taasoo aan rajjaynayo in labuuxin doono dhawaan haduu Alle idmo.

Jagada Gudoomiyiha baarlamaanka ayaa waxaa lagu soo dooraan doonaa habkii awood qaybsiga ee hishiiska lagu wada ahaaa.

Musharraxiinta Gudoomiyaha baarlamaanka ayaa laga yaabaa in ay kabadtaan inta aan arki jirnay maadama ay qabaa’illo badan jaanisyo uga furan yihiin in ay isku soo sharxaan.

Waxaan madaxda joogta lawadaagayaa in aysan isku darsan Jawaari ha’iscasilo iyo kii badali lahaana annagaa gacanta kuhayno oo markale aan buuq loo horseedin dowladda curdunka ah ee aan haysanno.

Waxaan filayaa in si daahfuran saaxiibba badan oo kasoo horjeeday Ex Gudoomiye Jawaari aysan lafiicnaan doonin jawiyada siyaasadda soo socota maadama ay furmi doonaan moowjado badan.

Soomaaliya Hanoolaato !
Mahadsanidiin
Hassan Abdikadir Mudey.