Soomaaliya safka hore ka gashay wadamada ugu hooseeya Maalgashiga Ganacsiga

Sida lagu sheegay warbixin Sanadeedka Bankiga Adduunka ee Sanada 2018-ka ee qiimeynta dalalka ugu caqabadaha badan Caalamka marka ay timaado fursadaha dhanka Ganacsiga ayaa dalka Soomaaliya waxa uu markale safka hore ka galay wadamada ay ka jiraan dhibaatooyinka ugu badan ee dhinaca Maalgashiga Ganacsiga Caalamiga ah.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay ka jiraan caqabado badan oo ku hor gudban arrimaha Ganacsiga, waxaana la sheegay in dhibaatooyinkaasi ay ka mid yihiin xasilooni la’aanta siyaadeed, dhaqaale xumida, dhibatooyinka waxa loogu yeero Argagixisada, taas oo Soomaaliya ka dhigeyso meel aan lagu la soo dhiiran karin in Maalgashi iyo Ganacsiga laga sameeyo.

Sidoo kale caqabadaha dhanka sharciyada Ganacsiga ayaa lagu sheegay in ay tahay arrin kale oo culays ku ah in Ganacsi laga hirgaliyo Soomaaliya.

Dalka New Zealand ayaa noqday dalka koobaad  e ugu caqabadaha yar Dunida, marka loo eego dhinaca Ganacsiga, iyadoona Soomaaliya ay Number-ka 190-aad  ay ka gashay qiimeyntaasi.

Bankiga Adduunka ee QM ayaa Sanad weliba soo bandhiga warbixintani oo lagu eego dalalka ugu dhibaatooyinka badan iyo kuwa caqabadaha yar hirgelinta Ganacsiga.