Dagaal khasaare geystay oo ka dhacay Deegaano hoos taga Gobolka Hiiraan.

Inta la xaqiijiyay 10 ruux ku dhowaad ayaa geeriyootay in ka badanna waxaa soo gaaray dhaawac kadib markii dagaal beeleed uu ka dhacay Deegaanka Cumar Sheekh ee Gobolka Hiiraan.

Dagaalka ayaa sida la xaqiijiyay waxaa uu u dhaxeeyaa laba maleeshiyo beeleed, mana jirto illlaa iyo hadda cid kala dhexgashay oo isku dayaysa in dagaalkaasi la qaboojiyo.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Deegaanka Cumar Sheekh oo ah Deegaanka lagu diriray ay weli isku hor fadhiyaan Maleeshiyaadkii halkaasi ku dagaalamay.

Inkastoo Masuuliyiinta Maamulka Gobolka Hiiraan aysan weli wax war ah kasoo saarin dagaalka halkaasi ka dhacay, hadana waxaa jira baaqyo nabadeed oo ay dirayaan Waxgaradka Gobolka Hiiraan.