Ciidamada Dowladda oo xiray jid xaafadeedyada waddada Warshadaha

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa xalay xilli dambe xiray waddoiyinka Xaafadaha wadada warshadaha ee Magaalada Muqdisho.

Isgoysyada ayaa furan iyadoona ay ku sugan yihiin Ciidamada Xasilinta oo ku baaraya Gawaarida.

Gaadiid iyo Mootooyin badan oo isticmaali jiray Waddooyinka Xiran waxaa saakay ku dhacay iskadaba wareeg, kadib markii ay la kulmeen jidadka xiran oo aanan horay u ogeyn.

Isgoysyada furan marka laga soo bilaabo Miisaanka dhuxusha waxaa kamid ah isla isgoyska Miisaanka, Isgoyska Ifka Xalan oo hormarta Garoonka Kubadda Cagta ee Muqdisho oo fariisin u ah Ciidamada AMISOM.

Inkastoo Wadadaasi aanan marin Gaadiidka Dadweynaha, waxaa isticmaala Mootooyinka iyo Gawaarida Raaxada oo ay badi isticmaalaan Ciidamada Dowladda.

Gaadiidka ayaa lagu baarayaa isgoyska Taraqa iyo sigaarka oo ay Ciidamada dhigteen Bar Gawaarida lagu baaro, Dhagaxaanta iyo Ciidamada Xasilinta ayaa laga raray Wadada Wadnaha ee Magaalada Muqdisho.