Madaxweyne Xaaf: “Jawaari waa oday nabadoon ah,wuxuu dalka ka bad baadiyay bur bur iyo dib u dhac mar kale..”.

Axmed Ducaale Geele Xaaf Madaxweynaha Maamulka Galmudug oo maalmihii dambe safar ugu maqnaa dalka Jabuuti ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay ayaa ka soo dagay garoonka diyaaradaha ee magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta maamulka Galmudug.

Madaxweynaha Galmudug ayaa warbaahinta ugu warbixiyay safarkii uu ku tagay magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti, wuxuuna sheegay in Jabuuti uu u tagay ka qeyb galka shir halkaasi ka dhacayay, wuxuu kale uu sheegay in madaxda dalka Jabuuti iyo shirkado caalami ah uu kala hadlay dhismaha Dekada magaalada Hobyo oo dhawaan la bilaabi doono dhismaheeda.

 

Dhankale Axmed Ducaale Geele Xaaf Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa soo ka hadlay iscasilaada Gudoomiyihii Golaha Shacabka Maxmed sheekh Cusmaan Jawaari, wuxuuna yiri “Jawaari waa oday nabadoon ah, wuxuu dalka ka bad baadiyay bur bur iyo dib u dhac mar kale soo wajihi laa”.