Diyaaradaha Dagaalka Kenya oo duqeymo ka fulilay deegaanka Faxfax-dhuun ee G/Gedo

Deegaanka Faxfax dhuun ee Gobolka Gedo wararka ka imaanaya ayaa sheegaya in ciidamada Kenya ee qeybta ka ah ciidamada AMISOM ay duqeymo ka fuliyeen deegaano hoos yimaada deegaanka Faxfax-dhuun.

Ciidamada Cirka Kenya ayaa Duqeymo ka fuliyay deegaanka Faxfax dhuun,kadib markii ciidamada Kenya ay howgal galinkii hore ee maanta ay ka sameeyeen deegaankaasi iyo deegaano kale oo ka tirsan gobolka Gedo, Ciidamada Kenya ayaa duqeymo ku bur buriyay fariisimo ay Al-Shabaab ku lahaayeen Gobolkaasi.

 

Dhanka kale Saraakiisha Ciidamada Dowladda ayaa sheegay inay wadaan baaritaan ay ku xqiijinayaan khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay duqeyntaasi,sidoo kale lama oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay duqaymahaasi.