Ciidamo isku dhaf ah oo xiray Waddooyinka Muqdisho

Waddooyinka ugu muhiimsan Magaalada Muqdisho ayaa saaka xiran iyada oo dib loo dhigay kulankii ay maanta lahaayeen Golaha shacabka Soomaaliya.

Ciidamada ayaa lagu arkayaa dhamaan Isgyosyada Waddada Maka Al-Mukarrama ilaa Dhinaca Madiina,waxaana ay Gaadiidka u diidayaan in ay maraan Waddooyinka.

Ciidamada saaka xiray Magaalada Muqdisho waxaa ay isugu jiraan Boolis lagu beddelay Ciidankii Xasilinta ee loo wareejiyay dhinaca waddada Warshadaha iyo Ciidanka Xasilinta oo saaka lagu arkayo waddooyinkii hore.

Muqdisho waxaa ay tan iyo 14kii Bishii March ku jirtaa hubanti la’aan siyaasadeed waxaana socda mooshin ka dhan ah guddoomiye Jawaari kaas oo dhowr jeer oo ay maanta ku jirto baaqday.

Dadweynaha Muqdisho ayaa aad ugu daalay arrintan,iyaga oo ku wareersan qaabka ay Dowladda u wajaheyso amniga Muqdisho.