Xeebta Ceel Macaan waxaa ku soo caarisay Haan wayn oo looga shakisan yahay inay tahay Sun.

Waxaa Degaanka Ceelmacaan ee Gobolka Sh/Dhexe lagu arkay haan wayn oo ku soo caarisay Xeebta degaankaasi, taasi oo walaac badan ku abuurtay dadka ku dhaqan deegaankaasi.

Haantaan oo xiran ayaa wararka waxay sheegayaan in dadka degaanka ay ka cabsi qabaan inay sumeysan tahay, maadaama halis ay ku keeni karto deegaanka iyo nolosha shacabka ku dhaqan halkaasi.

C/shakuur Cismaan Wasiirka Dakaddaha Maamulka Hirshabelle ayaa sheegay in dadka shacabka ah laga rabo inay isdajiyaan, islamarkaana arrintaan baaritaan ay ku sameyn doonaan, isagoo sheegay in Haanta ay arkeen iyada oo taala xeebta deegaanka Ceelmacaan, balse Maamulka Gobolka iyo Wasaaradda oo iskaashanaya ay baarayaan waxa ku jira Haantan.

Dhanka kale Xeebaha Soomaaliya oo aan laheyn ciidan awood leh oo ilaaliya, ayaa xilliyada qaar la isaga soo daadshaa Haamaha ay ka buuxaan Haraaga Warshadaha, taasi oo dhibaato ku keenta dadka rayidka ah.