Isbadal lagu sameeyay Ciidamadii Gawaarida ku baarayay isgoysyada Muqdisho.

Dowladda Somaliya ayaa isbadal ku sameysay Ciidamadii ku sugnaa isgoysyada ku yaala Magaalada Muqdisho ee lagu baaro gawaarida ukala gudbeysa Degmooyinka Caasimada iyo Sidoo kale kuwa ka soo tilaabaya Kontoroolada Balcad iyo Afgooye ee Duleedyada Muqdisho.

Ciidamadan ayaa ahaa kuwii Xasilinta baaritaanada Adag marin Jiray Gawaarida soo gasha Muqdisho iyo kuwa ka gudbaya Isgoyzyada Gudaha ee Magaalada Muqdisho.

Ciidamada ayaa la qaaday Sabtidii, wixii ka danbeeyay markii laba qarax xoogan ay ka dhaceen Jimcihii Banaadir iyo KM4, oo ay celiyeen Gaadiid qaraxyo siday oo wadooyinkaas ka udbi rabay.

Qaar kamid ah Saraakiisha Laamaha amniga ayaa inoo sheegay in arintan ay qeyb ka tahay isbadalka dhinaca amniga ee ka jira Caasimda, Ciidamada la qaaday ayaa la dhigay Wadada dheer ee isku xirta Ex-Control Afgooye ilaa Balcad, Gaar ahaan Jidka warshadaha ee wadooyinkaa ku xira.

Ciidamada Booliska ee la dhigay isgoysyada Gudaha magaalada Muqdisho ayaa sameynayay Baaritaano ka culus kuwii hore, Waxeyna dhulka usoo dajinayaan dhamaan dadka saaran Gawaarida yaryar ee Raaxada ee Meelaha ay Joogaan ka Gudbaya.

Goobaha lagu baaro gawaarida aada Garoonka Aadan Cadde ee kala ah Nawaaxiga Isgoyska KM4 iyo Danwadaagta Wadajir ayaan saameyn isbadalka lagu sameeyay Ciidamadan, Waxaana goobahaasi lagu arkayaa Ciidamadii nabad Sugida ee hore ujoogi jiray kuwaasoo howlohooda si caadi ah uwata.