Guddiga doorashooyinka Qaranka oo bilaabay wejiga 2-aad ee diiwaan gelinta Xisbiyada Siyaasadda.

Kulan ay soo qaban qaabiyeen guddiga doorashooyinka madaxa banaan ee Qaranka ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho, kulankaasi ayaa ujeedkiisu wuxuu ahaa diiwaan gelinta Xisbiyo cusub oo ku soo biiray Xisbiya dalka ka jira.

Waxaa ka mid ah Xisbiyada maanta la diiwaan geliyay ilaa iyo sedax Xisbi oo kala ah.

1-Xisbiga Nabada iyo Horomarina.

2-Xisbiga Wadajir.

3-Xisbiga Tiir.

Waxaa Xisbiyadaan la diiwaan geliyay la gudoon siiyay shahaadooyin lagu aqoonsado..

Xisbiyada horay loo guddoonsiiyay 7 Xisbi oo kala ah: Xisbiga Garsoor, Xisbiga Midnimada, Xisbiga Qaranka iyo Dimoqoraadiyadda, Xisbiga Midnimada iyo Jamhuuriga, Xisbiga Umadda Soomaaliyeed, Xisbiga Midnimada Bulshada Soomaaliyeed iyo Xisbiga Horumarinta

Xisbiyada la diiwaan gelinaayo waxaa shuruud ahaan looga baahan yahay si ay loo diingeliyo.

Diiwaan-gelintan waa mid KMG ah waxaa ururka laga qaadayaa magaca xisbiga, calaamad cusub, qodob ka soo baxay kulan la qabtay, dastuurka ururka iyo $500 ama 10 milyan oo shilin Soomaali.

Xaliimo Ibraahim Ismaaciil Xaliimo Yarey Gudoomiyaha Gudiga doorashooyinka madaxa banaan ee Qaranka ayaa sheegtay in Diiwaan gelinta Xisbiyada ku sheegtay u bislaanshaha doorashooyin qof iyo cod ah oo dalka loo diyaarinayo marka la gaaro 2020-ka

Dhanka kale Gudoomiyaha Gudiga doorashooyinka madaxa banaan ee Qaranka Xaliimo Ibraahim Ismaaciil Xaliimo Yarey oo warbaahinta la hadashay ayaa sheegtay inay horay u diiwaan geliyeen 7- Xisbi, maantana waxaa is diiwaan geliyay saddex Xisbi oo kale, waxaana weli dhiman in la diiwaan geliyo ilaa 15-xisbi oo kale.