Muwaadin Soomaali ah oo rabay inuu dilo Boqrada Uk oo maxkamad la soo taagay.

War ay shaacisay Maxkamad ku taalla dalka Ingariiska ayaa lagu sheegay in xukun lagu riday muwaadin Soomaaliyeed kaas oo lagu eedeeyay inuu qorsheynayay inuu ku biiro Kooxda Daacish, islamarkaana uu dilo boqoradda dalka Ingariiska.

Ninkaan Soomaaliga ah ayaa lagu Magacaabaa Aweys Shiikhey ayaa haysta Dhaalashada dalka Holland, wuxuuna ka soo hormuuqday Maxkamad ku taalla London, waxaana la sheegay in Weerarkii lagu dilay rabay Boqorada Ingiriiska, Queen Elizabeth II, iyo Ra’isul-wasarihii hore ee UK, David Cameron ay Fashiliyeen Sirdoonka UK.

Aweys Shiikheey oo 38-jir ah ayaa lagu xukumay 8 Sano oo xabsi, Booliska Uk ayaa sidoo kale waxay sheegeen in Aweys ay tashkiilisay Haweeynay Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Raaqiya Xuseen,islamarkaana ay u ballan qaaday inay guursan doonto hadii uu ku biiro Kooxda Daacish.

Dhanka kale Garsooraha Maxkamadda Martin Edmunds ayaa sheegay in dadka doonaya inay dilaan madaxda ee weeraradooda laga hortaggo ay mutaysan doonaan xukunka Aweys oo kale.