Mareykanka oo sheegay inuu kordhiyay duqeymaha ka dhanka ah Al-Shabaab

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay inay kordhiyeen duqeymaha ka dhanka ah Maleeshiyaadka Al-Shabaab ee ku sugan gudaha Soomaaliya.
Sarkaal Sare oo ka tirsan Ciidamada Mareykanka ee ku sugan Qaaradda Afrika oo lagu magacaabo Samantha Reho ayaa Wargeys ka soo baxa Mareykanka u sheegay inay kordhiyeen Sanadkaan 2018-ka Weerarada dhanka Cirka ah ee ay ka waddaan Soomaaliya.


“Waxaan qorshaynaynaa inaan weerarno goobo hor leh, si loo xoojiyo dagaalka aan kula jirno Al-Shabaab” ayuu yiri Samantha Reho oo sheegay inay ka taxadiri doonaan waxyeelo soo gaarta dadka Shacabka ah.
Dhanka kale Mareykanka ayaa sheegay in Weerarkii ugu dambeeyay ee diyaaradaheeda aan dulliyaha laheyn ay bartilmaameedsadeen fariisin xoogaga ururka Al-Shabaab ay ku leeyihiin meel ku dhow degmada Jillib ee Koonfurta Soomaaliya, halkaasina ay ku dileen xubno ka tirsan Shabaab.