Taliyihii Ciidanka Madaxtooyada Soomaaliya oo Xilka laga qaaday.

Wararka naga soo gaaraya Madaxtooyada Somaliya ayaa sheegaya in Xilka qaadis lagu sameeyay Axmed Maxamed Cali (Afcadeey) oo ahaa Taliyihii Ururka 60-aad ee Ciidanka ilaalada Madaxtooyada Somaliya.

Warar ay heshay Mustaqbal ayaa sheegaya in xilka loo Magacaabay odawaa oo isaga ahaa Abaanduulaha Ciidanka 60-aad ee ilaalada Madaxtooyada Somaliya, Xilka qaadistiisa ayaa salka ku heysa Ciidankii Jawaari ilaalinayay ee uu isaga Taliyaha u ahaa Kuwaasoo xabsiga la dhigay kadib markii Taliyaha Xooga dalka uu ku eedeeyay iney Jabiyeen amarkii Hay’adaha amniga soo saareen ee ahaa Inaan Ciidan lala galin Xarunta Baarlamaanka.

Afcadeey ayaa la sheegay inuu ka horyimid shaqa Joojinta iyo Xabsiga la isgu daray Ciidanka, Wuxuuna usheegay Taliyayaashiisa iney Ciidanka Jawaari ilaaliya wax Khalad ah aysan sameyn, Amniga Jawaarina iyaga ay masuul ka yihiin si lamid ah Kan Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre.

Afacdeey ayaa Gelinkii dambe ee Khamiistii shalay ahayd la soo gaarsiiyay Xilka qaadista, Sidoo kalena waxaa lagu war galiyay Ninka Booskiisa lagu badalay, Janaraalka ayaa soo noqday Taliyaha Ciidanka ilaalada Madaxtooyada Somaliya xiligii ay dalka Madaxweyne ka ahaayeen Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh, Sidoo kale Sanadii hore ayaa dib loogu soo Magacaabay Taliyaha Madaxtooyada kadib markii dalka Madaxweyne uu ka noqday Farmaajo.

Xiisada Siyaasadeed ee dalka ka jirta, kana dhalatay Mooshinka laga keenay Gudoomiye Jawaari ayaa saameynteeda markan lugaha la gashay Ciidamada, Waxaana jirta cabsi ku aadan iney sii fido ilaa ay gaarto gacan ka hadal.