Maamulka Jubaland oo farriin culus u diray gudoonka Baarlamaanka Federaalka

Maamu goboleedka Jubaland ayaa markii ugu horeysay ka hadlay khilaafka siyaasadeed ee ka oogan magaalada Muqdisho kaasi oo u dhaxeeya Baarlamaanka iyo xukuumada Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre iyo waliba guddoonka golaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Madaxeyne Ku xigeenka dowlad goboleedka Jubaland Maxamuud Sayid Aadan oo la hadlayay warbaahinta gudaha ayaa farriin culus u diray guddoonka golaha Baarlamaanka Federaalka, kaasi oo sababay inay kala qeybsamaan xildhibaanada Baarlamaanka isla markaana aanay waxba ka jirin eeenta loo jeedinayo Ra’iisl Wasaare Xasan Cali Kheyre.

“Ka maamul ahaan waxaan ku talineynaa in guddoonka Baarlamaanka sida Guddoomiyaha iyo labadiisa ku xigeen inay isu yimaadaan kana heshiiyaan khilaafka dhaxeeya oo lagu kala baxo sanduuqa doorashada baarlamaanka dhexdiisa” ayuu yiri Maxamuud Sayid Aadan oo ugu baaqay hoggaanka Baarlamaanka in looga baahan yahay sidii uu u mideyn lahaa xildhibaanada kala qeybsan.

Madaxweyne ku xigeenka Jubaland waxaa kale oo uu tilmaamay in guddoonka Baarlamaanka ay wax badan isla soo shaqeeyeen dowladihii dalka soo maray, isla markaana ay aqoon buuxda u leeyihiin natiijada ka dhalaneysa khilaafka siyaasadeed ee xukuumadda dhexdeeda.

Dhinaca kale waxa uu sheegay in wixii ka dhacay xarunta golaha shacabka ay qaadayaan masuuliyadeeda guddoonka baarlamaanka, hase yeeshee aanay arrintu ahayn faragelinta ay guddoonka Baarlamaanka sheegayaan inay ku heyso Ra’iisal Wasaare Kheyre iyo xukuumadiisa.