Kulankii Bilaha ahaa ee Xisbiga SSUP ee Gobolka Banadir

Waxaa maanta qabsoomay kulankii Bilaha ahaa ee Xisbiga SSUP ee Gobolka Banadir Ajanadahana maanta wuxuu ahaa der dergelinta iyo Diwaan gelinta xubanaha xisbiga SSUP ee Gobolka Banadir iyo 17 degmo sidii loo gaarsiin lahaa wacyi gelinta Nidaamka Dawlad wanaag iyo in la wergeliyo shacabka ku nool Gobolka Banadir in Soomaaliya Doorasho qof iyo cod laga hergelin doono 2020 Gobolka banadirna uu hurmuud ka yahay HIIGSIGAAS. Xisbiga SSUP wuxuu 6 xafiis ka furay degmooyinka Yaaqshiid, Shibis, Karaan, Hodon Xamar jab-jab iyo Warta-Nabada.

Warbixno laga dhageeystay qaar ka mid ah xubnaha Xisbiga ee gobolka Banadir ayaa sidoo kale bidhaamiyey baahiyaha ka jira dalka qaasatan Gobolka Banadir. Gudoomiyaha Xisbiga SSUP mudane Maaxi ayaa ka war bixyey Holwaha xisbiga SSUP tilmaamayna in Degmada luuq gobolka Gedo ee Jubbaland State laga furay xafiiska Xisbiga SSUP 24 maarso 2018. Sidoo kale Gudoomiyaha Xisbiga SSUP wuxuu hoosta ka xariiqay HIIGSIGA 2020 ee laga doonaayo in xisbi walba haaysto 10,000 oo cod-bixiyayaal ah iyo 9 gobol xafiisyo uga furan yihiin 18ka gobol ee dalka in aay muuqato in xisbiga SSUP gaaro haduu Alle idmo
Waxaa qeexaya qodobkaas sharciga xisbiyada Siyaasada ee dalka u yaal kaas oo oranaya sidan:

Qodobka 6aad:
Diiwaangelinta Rasmiga Ah.
……………………………………………………………………………….
a. Codsiga diiwaangelinta rasmiga ah ee xisbiga waa inuu ahaadaa qoraal uu saxiixay guddoomiyaha xisbiga ama cidda uu u wakiisho.
b. Xisbi siyaasadeed si kumeel-gaar ah loo diiwaangeliyay, waxaa si rasmi ah loo diiwaangalin karaa markii: –
c. Tirada xubnaha saxiixayaashiisa dhan yihiin ugu yaraan toban kun qof (10,000) oo codbixiyeyaal ah kana diiwaangashan ugu yaraan sagaal ka mid ah 18kii gobol ee horay u jiray 1991-kii, taas oo waafaqsan qodobka 49aad, faq (1) ee dastuurka kumeel-gaar ah.

Sidoo kale Gudoomiyaha Xisbiga SSUP mudane Yaasiin Maaxi Macalin Ayaan Aamaanay Xafiiska Diiwan gelinta iyo Baratakoolka. Agasame Zahuur iyo Aagasime Xoosh oo soo qaban qaabiyey Kulanka Bilaha ee xisbiga SSUP ee Gobolka Banadir.
Madaxa wararka Xisbiga SSUP
Cabdirashid Maxamuud Nuur
info@ssup.so