Diyaaradaha Maraykanka oo duqayn diyaaradeed ku dilay qaar ka mid ah Maleeshiyadka Al-Shabaab..

Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Maraykanka ayaa bartilmaameedsaday fariisin Maleeshiyaadka Al-Shabaab ay ku leeyihiin meel ku dhow degmada Jillib ee Koonfurta Soomaaliya.

Qoraal ka soo baxay Taliska Mareykanka Africa ee (AFRICOM) ayaa lagu sheegay in Duqeyntan ay dhacday gelinkii dambe ee Khamiistii oo bisha April ay aheyd 5.

“Waxay Ciidamada Mareykanka oo kaashanaya kuwa Dowladda Soomaaliya ay weerar ku qaadeen Argagixisada Al-Shabaab meel u dhow degmada Jilib, galabnimadii Khamiistii, waxaan ku dilnay Saddex Argagixiso.” Ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Taliska (AFRICOM).

Mareykanka ayaa sheegay in weerarkan ay ku burburiyeen gaari nuuca dagaalka ah oo ku xirnaa Qoryaha culus, waxayna sheegeen inay wadaan baaritaanada la xiriira in weerarkan lagu waxyeeleeyay dad shacab ah.

Dhanka kale Madaxwenaha dalka Mareynkanka Donal Trump ayaa todobaadkan saxiixay xaalad deg deg ah oo looga dan leeyahay in lagu kordhiyo weerarada dhanka cirka ah ee ka dhanka ah Al-Shabaab.