Madaxweyne Waare:”Markii aan isku diyaarinay inaan ka guulaysano Al-Shabab,Muqdisho ayaa Caqabad..”

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa mar uu la hadlaayay qaar ka mid ah Shacabka magaalada Baladweyn ee G/Hiiraan ayuu sheegay in Muqdisho dad jooga ay caqabad ku yihiin Howlgalka Shabaab lagula dagaalamayo.


“Ciidamo ayaan diyaarinay si aan Shabaab uga guuleysano, dhaq dhaqaaq markii aan bilawnay dad ku sugan Muqdisho ayaa diidan in Shabaab aan ka guuleysano” ayuu yiri Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelleoo aan shaaca ka qaadin magacyada dadkaasi iyo inay ka tirsan yihiin madaxda Dowladda Soomaaliya.

Dhanka kale maalmihii la soo dhaafay Deegaanada Hirshabeelle dhibaato ku hayay Maleeshiyaadka Al-Shabaab oo dagaalo ku qaaday deegaano ka mid ah Maamulka Hirshabeelle.