Barcelona iyo Liverpool oo guulo ka gaaray sideed dhammaadka ciyaaraha Champions League

Kooxaha Liverpool iyo Barcelona ayaa xalay guulo muhiima ka gaaray lugta hore ee Siddeed dhammaadka tartanka kooxaha Yurub ee Champions League-ga.

Kooxda Liverpool ayaa guul layaab leh ka gaartay dhigooda Manchester City oo marti ugu ahayd garoonkeeda Anfield, kadib markii ay nus saacii ugu horeeyay go’aamisay natiijada ciyaarta oo ahayd 3-0, waxayna u sheegatay khibrad, maadaamada ay tahay kooxda ugu guulaha badan kooxaha England tartanka Champions League-ga.Wiilka reer Masar Maxamed Salaax oo ciyaarta dhaawac looga saaray ayaa goolka furitaanka dhaliyay ciyaarta oo socota Laba iyo toban daqiiqo, wuxuuna ahaa goolkii 38-aad ee uu u dhaliyo Liverpool, gool labaad Alex Chakberlain ayaa Siddeed daqiiqo kadib shabaga ku husbsaday, halka goolkii Saddexaad uu dhaliyay Sadio Mano daqiiqadii Soddon iyo kowaad, wuxuuna ahaa gool aad loogu riyaaqay oo uu caawiye ka ahaa Maxamed Salaax.

Waxaa xusid mudan in Liverpool ay tahay kooxda kaliya oo ka tirsan horyaalka England ee Premier League-ga oo ka badisay Manchater City xilli ciyaareedkan.

Dhanka kale kooxda Barcelona ayaa garoonkeeda Camp Nou 4-1 ugu awood sheegatay kooxda reer Talyaani ee Roma oo kala bar goolasha laga dhaliyay hadiyad u bixisay.

Goolka furitaanka Barcelona waxaa siiyay De Rossi, halka Monolas uu goolka labaad iska dhaliyay, taas oo la micno ah in ciyaartoyda Roma ay ciyaarta 2-0 uga dhigeen Barcelona.

Gerard Pique ayaa dhaliyay goolka saddexaad ee Barcelona halka Edin Džeko uu Roma siiyay goolka calanka, laakiin Luis Suarez ayaa Barcelona u saxiixay goolka afraad ee Roma sii niyadjabiyay.

Kooxda Roma ayaa noqotay kooxdii Afraad ee taariikhda tartanka Champions League-ga laba gool oo kama ah iska dhalisay, kooxdii ugu horeysay waxay ahayd Galatasaray.

Kooxaha Manchester iyo Barcelona ayaa lugta labaad ee Siddeed dhaammaadka Champions League-ga ciyaari doona iyagoo guulo waaweyn wata.

Facebook Comments